RW Kheyre oo u amba-baxay Galmudug

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaw u amba baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kheyre ayaa intii uusan bixin waxa uu garoonka Aadan Cadde ku booqday dad ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo loo qaaday dalka Qatar.

Xubno ka tirsan xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo askar ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hor dhac u ahaa socdaalka uu Kheyre ku tagayo Dhuusamareeb, waxaana ku yimid kadib markii uu Muqdisho ka dhacay qarax khasaare badan dhaliyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dhuusamareeb u tagaya sidii uu u soo xalin lahaa khilaafka wali ka taagan dhismaha maamulka Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.