Faah-faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Wisil

0

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Wasil ee koonfurta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen waxuuna dagaalka oo u baabulnaa qaab beeleed ka dhashayisticmaalka maandooriyaha loo yaqaano Khamriga, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa socday saacado waxaana ku baxay odayaasha dhaqanka deegaanka oo ku guuleystay inay kala dhex galaan dhinacyadii dagaalamayey, waxaa haatan degan xaalada deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Mudug iyo kan Galmudug oo ku aadan dagaalkaas, waxaana deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug mudooyinkii danbe ku soo badanayey isticmaalka maandooriyaha oo dhibaato badan ay kala kulanto bulshadu, kaas oo mararka qaar sababa isku dhacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.