RW Khayre oo booqday xarunta gurmadka degdegga ah iyo isbitaalka Erdoğan, Sawirro

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto howlo gargaar oo ku aadan sidii loo samata nixin lahaa dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii shalay Ex Koontorool ee magaalada Muqdisho.

Khayre oo ugu horeyntii kormeeray xarunta gurmadka ayaa halkaas kula kulmay guddiga gurmadka ee uu shalay magacaabay iyo howlwadeeno kale, kuwaas oo ka shaqeynaya sidii loo qeymayn lahaa daryeelka caafimaad ee ay u baahanyihiin dadka ay dhaawacyadu soo gaareen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha ka dhageystay, waxuuna kula dardaarmay inay laban-laabaan dadaalkooda.

Sidoo kale Kheyre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan Ex Digfeer oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii ku dhaawac qaraxaas, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dadka ay soo gaareen dhaawacyada daray ee aan wax looga qaba karin dalka ay dowladdu u raadi doonto gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Kheyre Qarax 1 1024x683
Kheyre Qarax 1 1024×683
Kheyre Qarax 2 1024x683
Kheyre Qarax 2 1024×683
Kheyre Qarax 3 1 1024x683
Kheyre Qarax 3 1 1024×683
Kheyre Qarax 4 1024x683
Kheyre Qarax 4 1024×683

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.