Diyaarad sida dawo iyo dhakhaatiir oo soo gaartay Muqdisho

0

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo  Safiirka dalka Turkiga u fadhiya  Muqdisho ayaa saakay Garoonka Aaadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi dhakhaatiir ah oo dowladda Turkigu ay u soo dirtay Muqdisho.

Dhakhaatiirtaas ayaa lasocday Diyaarad militeri oo ay leedahay dowladda Turkiga, taas oo siday gargaar caafimaad oo Turkigu ugu tala galay baxnaaninta dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ex-koontorool ee magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa noqotay dowladdi ugu horeysay ee u soo gurmata dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay, markii laga reeb dowladda Soomaaliya oo la daalaa dhaceysa musiibadii ka dhalatay dhacdadaas xanuunka badan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in diyaaradda saakay ka soo degtay Muqdisho ay Turkiga u qaadi doonto dhaawacyada daran ee aan Soomaaliya wax looga qaban karin.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogan ayaa qoraal uu ku soo daabacay bartiisa xiriirka Bulshada waxaa uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay qaraxii shalay ka dhacay Isgooyska Ex koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa yiri “waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee Muqdisho. Labadeennii muwaadin iyo walaalaheenii Soomaaliyeed ee geeriyooday waxaan Eebbe u weydiinayaa naxariis, dhaawacana waxaan u raxeynayaa caafimaad deg-deg ah. Qarankeenna iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha nahay waan u tacsiyeynayaa. Turkey weligeed Soomaaliya way garab taagnaa doontaa”.

6d205d02 4b5b 4cd3 B6f5 528921e98835
6d205d02 4b5b 4cd3 B6f5 528921e98835
94930584 0a9d 4b96 Aa64 C2c0ee333494
94930584 0a9d 4b96 Aa64 C2c0ee333494

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.