Dibadbax looga soo horjeedo Ruushka oo ka dhacay dalka Turkiga.

0

Boqolaal kun oo dibad baxyaal ah ayaa iskugu yimid Qunsuliyada uu Ruushka ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dibad baxyaasha ayaa ka careesan duqeemaha uu wali Ruushkau ka wado gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Duqeemaha gobolka ayaa kordhay todobaadyadii ugu danbeeyay taas oo keentay in boqolaal kun oo ruux ay sameeyaan barkac hor leh.

Ahmed Marwan oo kamid ah dibaxyaasha ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in waxa dhimanaayo ay yihiin dadkooda sida xaasaskooda iyo caruurtooda.

“Manihin argagaxiso, waxaan nahay bini’aadam. Wadankan waxaan u imaanay in aan ku noolaano waxaana nalagu amrayaa in aan dalkeena dib ugu laabano taasina masahlano” ayuu hadlkiisa sii raaciyay Marwan.

Qaramada Midoobe ayaa tan iyo bartimihii bishan dadka iskaga barkacay gobolka idlib waxa ay ku sheegtay in ay kabadan yihiin 230,000 oo ruux.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.