Taliyaha Booliska sharaxay sababta ku kaliftay inuu Cumar Filish dhaho ‘khasaaraha qari’

0

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay inay xaqiijiyeen dhimada 79 ruux, halka dhaawacyada uu ku sheegay in ka badan 100 qof, isgoo uga tacsiyeeyey ehelada dadkii dhintay ku dhaawacmayna u rajeeyey inuu Alle caafimaad siiyo.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in saakay markii uu dhacay qaraxaas ay durba goobta gaareen, halkaas oo uu sheegay in mudo kadib uu uga daba tagay guddoomiyaha gobolka Cumar Filish oo warbaahinta la hadlay xilli uu garab taagnaa taliyaha boolisku.

Guddoomiye Cumar Filish oo ka war bixinayey sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa Taliye Xijaar oo garabkiisa taagnaa waxa uu ka dalbaday inuusan sheegin tirada dhimashada ka dhalatay qaraxa, taas oo sababtay in guddoomiye Filish uu ku adkeysto sheegidda in ka badan 90 qof  oo dhaawacmay qaraxa.

Taliyaha oo markii uu sidaas faraayey guddoomiyaha ka soo muuqday warbaahinta sidoo kalena codkiisa la maqlayey ayaa sheegay in arinkaas uu kala jeeday oo kaliya in la hubiyo khasaaraha ka dhashay qaraxa, si buu yiri shacabka loogu gudbiyo warbixin dhameys tiran.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.