Ra’iisul Wasaare Khayre oo magacaabay guddi gurmad Qaran

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubbaridka gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaas ayaa sheegay inuu magacaabay guddiga ka shaqeyn doona isku dubbaridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen dadkii ku dhintay qaraxaas.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka dadkii ku waxyeeloobay musiibadaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.