Farmaajo: “Argagixisadu waxay u xasuuqeen shacabkeena cadawnimo ay u hayaan horumarka dalka”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii ay saakay Al-Shabaab ka fuliyeen isgoyska Ex kontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay Al-Shabaab la beegsadeen qaraxaas ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee Al-Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn.

“Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Farmaajo.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay awooddeeda oo dhan isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaatadu soo gaartay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.