Agaasimaha isbitaalka Madiina oo sheegay in lasoo gaarsiiyey dhimashada 73 qof iyo dhaawaca 52 kale

0

Waxaa isi soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii is-miidaaminta ahaa saakay ka dhacay isgoyska Ex koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Wali lama hayo tara koob rasmi ah oo ku saabsan dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas, maydad iyo dhaawacyo badan la gaarsiiyey isbitaalada magaalada Muqdisho.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Mamaxed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo gaarsiiyey Isbitaalka 73 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 52 ruux oo kale.

Dadka dhaawaca ah ayuu sheegay agaasimuhu inay u badan yihiin kuwo daran isla markaana lala tacaalayo baxnaanintooda.

Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas ayaa u badan dad shacab ah waxaana jira dhimasho iyo dhaawacyo kale oo la geeyey isbitaalada kale ee magaalada Muqdisho.

Wali laamaha amaanka sooma bandhigin tira koob ku saabsan khasaaraha  rasmig ah ee ka dhashay qaraxaas, guddoomiyaha gobolka oo warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxaas ee warbixintooda la soo gaarsiiyey ay ka badanyihiin 90 qof, isagoo balan qaaday in tirada khasaaraha ka dhashay qaraxaas uu dib kala soo wadaagi doono warbaahinta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.