Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay xog-hayihii xisbiga UCID

0

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa galabta magaalada Hargeysa ku xiray xog-hayihii arimaha gudaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Taliska Booliska Somaliland oo ka hadlay xariga masuulkaas ka tirsan xisbiga UCID ayaa sheegay in loo heysto inuu aflagaadeeyey guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland.

Afhayeenka guud ee ciidanka booliska Somaliland G/Sare Feysal Xiis Cilmi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay xog-haye Ramaax uu guddoomiyaha baarlamaanka ku tilmaamay nin xariir la leh dad cadaw ku ah Somaliland, taasna uu ka soo dacwooday guddoomiyuhu.

Afhayeenka ayaa sheegay in markii uu booliska u soo dacwooday guddoomiyaha baarlamaanku ay jareen waaran lagu soo xirayo xog-hayaha xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan.

G/Sare Feysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in masuulkaas loo heysto oo kaliya aflagaado uu sheegay inuu u geystay gudoomiyaha, isla markaana 48-saac gudahood maxkamad lagu soo taagi doono.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.