Sarkaal lagu dilay magaalada Boosaaso

0

Dableey hubaysan ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dishay nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Axmed Askar oo ka tirsanaa saraakiil laamaha amniga gobolka Bari.

Kooda dilka geysatay ayaa marxuumka rasaas la dhacday xilli uu ku sii jeeday hoygii uu ka deganaa magaalada Boosaaso.

Kooxdii dilka gaystay ayaa durbadiiba goobta isaga baxsatay, ka hor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso, oo markii dambe hawlgallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyay xaafadda uu dilkaasi ka dhacay.

Caaqil Axmed Askar oo ah Aabaha marxuumka la dilay ayaa warbaahinta u sheegay inuusan garanayn sababta wiilkiisa loo dilay, isgoo amaanka magaalada Boosaaso ku tilmaamay mid aan la isku haleyn karin oo marba marka ka danbeysa kasii daraya.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo gaystay sarkaalkaas ka tirsanaa laamaha amaanka gobolka Bari ee Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.