Mashruuc biyo xireen ah oo laga dhagax dhigay magaalada Beledweyne

0

Maamulka gobolka Hiiraan guddiga Somaliland ee gurmadka fatahaadda  iyo kan gobolka Hiiraan ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhiggay mashruuc biyo xireen ah oo bilow u noqonaya qorshe ballaaran oo la doonayo in biyaha looga weeciyo magaalada.

Deeqdii lacageed ee ka timid Somaliland oo gaareysay [$600,000] oo dollar ayaa [$ 400,000] oo ka mid ah maanta lagu daah furay mashruucan oo la aaminsanyahay inuu wax weyn ka tarayo sidii wax looga qaban lahaa daadadka dhibaatada ba’an ku haya  bulshada ku dhaqan magaalada, iyadoo sidoo kalena ay jiraan lacago kale oo la sheegay in loo hayo sii socoshada mashruucan biyo xireenka.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka Somaliland Jamaal Ceydiid Xassan ayaa sheegay in markii ay soo gareen magaalada Beledweyne ka fikireen bal sida laga yeelayo dhaqaalaha ay ku deeqeen bulshada reer Somaliland.

”Waxeynu isla garannay in aan lacagtaa oo dhan loo isticmaalin wax la cunno ee taa badalkeeda bal lagu bilaabo mashruuc biyaha lagaga weecinayo magaalada, Somaliland ayaana noqotay ciddii ugu horreysay ee arintaa ku dhiirata, waxeynu ku daah furnay 400,000 oo dollar” ayuu yiri” Jamaal Ceydiid.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.