Darawal mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

0

Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa Askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Dad ku sugnaa isgoyska markii uu dilku dhacayey ayaa sheegay in dilka ka hor ay mudo murmaayeen marxuumka iyo askariga dilka geystay, sidaasna uu askarigu ku toogtay marxuumka oo watay mooto Bajaaj, isaguna uu goobta iskaga baxsaday.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed Cosoble, waxaana la sheegay in uu dhawaan ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika oo uu ka ganacsa jiray, isagoo markii uu dilka ku soo laabtay ku biiray dhalinyarada ku shaqeysata mooto Bajaaj-ta, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan eheladiisa.

Inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal ay ciidamada amaanku u geystaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka loo yaqaano Bajaaj-ta, waxaana dhif iyo nadir ah in cadaalada la hor keeno askarigii dila darawal mooto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.