Dad u badan caruur oo ku dhintay duqayn ka dhacday dalka Suuriya.

0

Ku dhawaad sideed ruux oo ay ku jiraan shan caruur ah ayaa dhimatay kadib gantaal ku dhacay iskuul ku yaalo waqooyi galbeed ee dalka Suuriya.

Weerarka ayaa si gaar ah loola bartil maamaydsaday xaafadda Jobas ee magaalada Saraqaab oo ku taalo koonfurta gobolka Idlib, oo kamid ah goobaha ay wali ku sugan yihiin falaagooyinka kasoo horjeeda dowladda.

Qaramada Midoobe ayaa ku qiyaastay dadka barkacay goobahaasi maalmihii ugu danbeeyay illaa iyo 60,000 oo ruux.

Tobonaan kun oo kamid ah dadka barakacay ayaa gaaray aagaga xadka Turkiga uu lawadaago Suuriya, xilli ay sii kordhayan duqeemaha kasoconaya gobolka Idlib.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.