Baroor diiq qaran oo looga dhawaaqay dalka Burkino Faso.

0

Weerar ay koox hubaysan ku qaadeen xarun milatari oo ku taalo dalka Burkina Faso ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 40 ruux, oo ay badankood yihiin haween.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in weerarka ay sidoo kale ay ku dhinteen todobo askari iyo 80 kamid ah mintidiintii weerarka soo qaaday.

Madaxwaynaha dalka Burkino Faso ayaa ku dhawaaqay labo maalmood oo baroor diiqa ah, isagoona sheegay in weerarkani uu kamid yahay kuwii ugu qasaaraha badnaa ee dalkaasi kadhaca.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Horaantii bishan ku dhawaad 14 ruux ayaa dhimatay kadib markii koox hubaysan ay weerareen kaniisad ku taalo bariga Burkino Faso.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.