Xildhibaanada laga soo doortay G/Waqooyi Bari Kenya oo mag-dhaw ka dal baday dowladda

0

Waxaa isisoo taraya cabashada shacabka iyo maamulka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ay ka qabaan gaadii badeeco siday oo la sheegay inay dhawaan gubeen ciidanka militeriga dowladda Kenya.

Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto gobolkaas ayaa sheegay in goobta falkaasi ka dhacay ay dhawaan gaareen isaga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan is-maamulka.

Xildhibaanka ayaa warbaahinta u sheegay in hantida la gubay ee gaadiidkaasi uu siday ay gaareyso $100,000 (Boqol kun oo dollar) isagoo dowladda Kenya ka dalbaday inay mag-dhaw ka bixiso falkaas ay ku kaceen ciidamadeedu.

Xildhibaan Maxamed Daahir oo laga soo doortay deegaanka Dhadhaab oo ah halka lagu gubay gadiidka rakaabka ahaa ayaa sheegay inay ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada Kenya u arkaan kuwo iyagu argagixiso ah, maadaama ay dhibaato joogto ah ku hayaan sida uu sheegay shacabka ku nool gobolka ay Soomaalidu degto ee dalka Kenya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.