Cayaartoydii Eriteria ku mataleysay koobkii CECAFA oo dib ugu laaba diiday dalkeeda

0

Ciyaartoy u dhalatay dalka Eretria oo gaaraya ilaa 7 ayaa la waayay kaddib markii ay ka qayb qaateen ciyaaraha Bariga Afrika oo lagu qabtay dalka Uganda.

Ciyaartoydii kale ee ka tirsanaa kooxda ayaa dib ugu noqday Eritrea. waa markii labaad ee sanadkan ay ciyaartoy u dhalatay Eritrea ay baxsadeen iyaga oo qayb galaaya ciyaaro lagu qabtay dalka dibaddiisa.

CECAFA ayaa ku howlan raadinta ciyaartoydan, waxayna sidoo kale wargeliyeen dowladda Uganda. Maana ahan markii ugu horreysay oo ciyaartoy Eriterian ah ay baxsadaan oo diidaan inay dib ugu laabtaan dalkooda.

Dowladda Eriteria ayaa diiday eedaymaha ah inay horay ciyaartoy kale ay uga baxsadeen, waxayna sidoo kale sheegtay dowladdu in tirade lagu sheegay cayaartooydeeda aysan ahayn mid rasmi ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.