Xukun lagu riday 5 qof oo loo heysto dilkii Weriye Jamal Khashoggi

0

Maxkamad ayaa dil ku xukuntay shan qof oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen dilkii Jamal Khashoggi, sida ay sheegtay waaxda dacwad oogidda Sacuudiga.

Waaxda dacwad oogidda Sacuudiga waxay sheegtay in dilkaas ay geysteen “koox keligeed howlgaleysay amar la’aan” waxayna dacwad ku oogtay 11 qof oo aan la magacaabin.

Saddex kale ayaa lagu ridday xukuno xabsi ah, wallow aan loosoo bandhigin warbaahinta mudada ama sanadka.

Saud al-Qahtani, oo ah lataliye sarre oo ka tirsanaa Boqortooyadda, ayaa lagu sameeyay baaritaan ku saabsan kiiskan, balse waa lasii daayey kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Khubaro ka tirsan Qaramada midoobeey oo baaritaan sameysay waxay sheegeen in uu “ahaa dil aan sharci ahayn”.

Agnes Callamard oo ka tirsanayd khubaradaas waxay sheegtay in dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan ay tahay in la baaro lugtii uu ku lahaa wax ay ku tilmaamtay dil sharci daro ah.

Wuxuu beeniyay in wax lug ah uu ku lahaa arrintaas, balse bishii October wuxuu sheegay in uu qaadayo masuuliyad buuxda, isagoo ah hoggaamiye Sacuudiga u dhashay.

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa horey ballan qaaday in la ciqaabi doono “Dambiileyaashii” masuulka ka ahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi ee Turkiga lagu dilay.

Asagoo ka hadlayey madasha ganacsiga ee ka dhacday Riyadh, Mohammed bin Salman ayaa yiri “Fal dambiyeedkaas waxa uu xanuun ku ahaa dhammaan dadka reer Sacuudi” mana noqo doono mid aan ku kala tagno Turkiga.

Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Khaashoqji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay.

Khashoggi oo deganaa Mareykanka mucaarad-na ku ahaa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa bishii October lagu dhex-dilay Qunsulyada Sacuudiga ee Istanbul.

Qoraagaan ka tirsanaa wargeyska Washington Post ayaa dilkiisu sababay carro caalami ah, waxaana Qaramadda Midoobay ay sheegtay in jirkiisa la jar-jaray.

Sirdoonka Turkiga oo si qoto dheer u baarey khaarijinta Jamal ayaa ku adkeystay in xukuumadda Riyadh ay soo abaabushay dilkiisa. Hase ahaatee, Boqortooyadda Sacuudiga way beenisay.

Isha: BBC

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.