Wasiirka Fowsiyo: Waxaa Aadan Cadde ka dhoofay dhakhtar Ajanabi ah oo ku tacadiyey Gabar Soomaaliyeed

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu magaalada Muqdisho ka baxsaday dhakhtar Ajnabi ah oo loo haystay inuu dharbaaxay gabar Soomaaliyeed.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dhakhtarkas oo ka shaqeynayey isbitalka Masaarida ee magaalada Muqdisho ay damiinteen dad Soomaali ah, kadibna uu maalin cad ka dhoofay garoonka Aadan-Cadde.

Wasiirka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dooneysay in ninkaas ay u ciqaabto xadgudubkii uu ku sameeyey gabadhaas Soomaaliyeed, wasiirka ma sheegin in gabadha la dharbaaxay ay ahayd bukaan ama ay isbitalka kala shaqeyneysay dhakhtarka.

Wasiir Fowsiya ayaa sidoo kale sheegtay inay amar ku bixisay in haddii dhakhtarkaas uu dalka dib ugu soo laabto dib loogu celiyo diyaaradda uu ku yimaado.

Hadalkaan ayey Wasiir Fowsiya ka sheegtay kulankii baarlamanka Soomaaliya oo su’aalo lagu weydiiyey, waxayna shaaca ka qaaday in dhibaatooyin badan lagu qabo dhakhaatiirta Ajaanibta ah ee dalka iska soo galaya oo cid maamusha aysan jirin.

Arrintaas ayay wasiirka sabab uga dhigtay sharcigii lagu xakameyn lahaa oo weli hor-yaalla baarlamanka Soomaaliya, isla markaana aan la ansixin.

“Syria iyo Yemen qofka ka soo qaxa ee sheeganaya inuu dhakhtar yahay ma jirto qaab loo kontaroolo, sababtoo ah inaga ma sameyn karno waxaba mana qaadi karno wax talaabo ah, iyada oo aan la helin sharcigii” ayey tiri wasiirka Fowsiya Abiikar Nuur.

Wasiirka ayaa sheegtay inaysan wada xumeyn dhakhaatiirta ajnabiga ah ee dalka jooga, balse dad badan oo aan dhakhtar ahayn ay dalka ka howl-galaan.

Waxay ugu dambeyn sheegtay in hadda ay billaabeen inay diiwaan geliyaan dhamaan xarumaha caafimaadka ee ajaanibtu ka furteen magaalada Muqdisho, sibey tiri loo ogaado xaqiiqda aqoontooda ku aadan xirfadda ay ku shaqeynayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.