Mahdi Guuleed: Dhaxalka Farmaajo ka tegayo waxuu noqon doonaa doorasho qof iyo cod ah

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta munaasabad lagu daah-furayey qorshaha 9-aad ee horumarinta qaranka oo dowladdu ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in madaxda hoggaamisa dowladan oo isagu ka mid yahay ay taratami doonaan, hadii dib loo doortana ay meel wanaagsan geyn doonaan dowladnimada dalka.

Waxaa uu ku celiyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah markii lagaaro waqtigeeda ee 2020/2021-ka.

Ka xukuumad ahaan ayuu sheegay in si dhow ay ula socdaan sharciga doorashooyinka qaranka oo horyaalla xildhibaanada golaha shacabka, isla markaana dhaxalka uu Madaxweyne Farmaajo ka tegi doono uu yahay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.