Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka daah-furay Qorshaha Hormarinta Qaranka, Sawirro

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta , kaas oo la sheegay inuu saldhig u yahay xaqiijinta himilooyinka Qaranka.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka miro-dhalinta hiigsiyadooda Qaran.

“Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay inay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah, yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hey’adaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Cumar Filish
Cumar Filish
Farmaajo
Farmaajo
Farmaajo2
Farmaajo2
Mahdi Guuleed
Mahdi Guuleed
Mahdi Guuleed
Mahdi Guuleed
Unnamed 34 1024x683
Unnamed 34 1024×683
Unnamed 36 1024x683
Unnamed 36 1024×683
Unnamed 38 1024x683
Unnamed 38 1024×683
Unnamed 39 1024x683
Unnamed 39 1024×683

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.