Ayaxii ugu badnaa oo ku dagay qeybo badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Ayax  guuraya oo raxan raxan u socda, uu ku degay deegaanno  ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ayaxa ayaa badankiis waxuu shalay ku degay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan, iyadoo marki danbe ay dadku iska kiciyeen iyaga oo adeegsanaya rasaas iyo taagyaro ay gubayeen.

Dadka beeralayda ah ee ku nool gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xalay uu beerahooda ku degay Ayaxaas, waxayna cabsi xoog leh ka muujiyeen inuu dalagooda ka baabi’iyo Ayaxaas oo ay sheegeen inuu ka imaanayo dhanka dowlad deegaanka iyo gobolka Galgaduud.

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku nool gobolo ay kamid yihiin Galgaduud, Mudug, Nugaal iyo qaybo badan oo ka tirsan gobolada Somaliland, balse haatan waxaa laga  cabsi qabaa inuu ku fido koonfurta Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.