Askari Mareykan ah oo lagu dilay Afghanistan

0

Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in maanta askari looga dilay dalka Afghanistan, balse ma bixin faa-faahin ku saabsan goobta iyo habka loo dilay askarigaas.

Warbixin ay soo saareen Ururka Taliban ayey ku sheegeen in askariga Mareykanka ah uu ku dhintay deegaanka aan xasilooneyn ee waqooyiga Kunduz.

Taliban waxay sidoo kale warbixintooda ku sheegeen inay askar Ameerikaan iyo Afghanistaniyin ah oo howlgal militari ku jiray ay miino ugu aaseen waddo ay marta waqooyiga gobolka Kunduz ee dalka Afghanistan.

Inta badan deegaanka Jaar-Dala gobolka Kunduz ee dalka Afghanistan waxa gacanta ku haya xoogagga Taliban, halka ay dowladdu maamusho xarunta degmada u ah gobolkaas.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay in askari kale oo Mareykan ah uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxa, waxaana ay baraha bulshada soo dhigeen kararkii aqoonsiga ee askariga dhintay. Waxuuna noqonayaa askarigii 19aad ee sannadkan Mareykanka looga dilay dalka Afghanistan.

Dagaalka Afghanistan waxaa Mareykanka uga baxay lacag ka badan hal trillion oo dollar, waxaana uga dhintay 2300 oo askari.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.