Ahlu-Sunna oo shaacisay liiska 20-kii xildhibaan ee la siiyey, akhriso magacyada iyo qabiiladooda
Hoggaanka Ahlu-Sunna WalJamaaca ayaa shaaciyey liiska 20 xildhibaan oo dowladda federaalka ay uga ogolaatay Baarlamaanka cuusb ee maamul goboleedka Galmudug.
Warqadd ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu soo bandhigey magacyada 20 xubnood ka soo galaya baarlamaanka Galmudug dhinaca Ahlu-Sunna iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan.
Warqadda ayaa la rumeysan yahay inay Ahlu-Sunna u dirtay beesha caalamka, waxayna guddiga doorashada Galmudug noo xaqiijiyeen inaan weli xafiiskooda lasoo gaarsiin liiskaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah u xaqiijisay inay Ahlu-Sunna u ogolaatay soo xulidda 20 ka mid ah xildhibaanada maamulka cusub ee laga yagleelayo Galmudug, waxaana lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu saacadaha na soo aadan gaaro magaalada Dhuusamareeb si loo adkeeyo dhaqan galka heshiiskaas.
Halkan hoose ka akhriso liiska 20-ka Xildhibaan ee Ahlu-Sunna.
