Wadahadallo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Somaliland oo ka bilaawday Muqdisho

0

Shir looga hadlayo sidii loo amba-qaadi lahaa wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya waxgarad matalaya Somaliland iyo guddiga dhab u heshiisiinta ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya shirka ayaa lagu wadaa inay is dhaafsadaan aragtiyo ku aadan sidii wada-hadalladaas loo amba-qaadi lahaa, isla markaana loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Somaliland.

Mudo badan ayey hakad ku jireen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo ay soo anba qaaday dowladdii tan ka horeysay, waxaana hadda saluug laga muujinayaa sida ay u dhaqan gali doonaan dadaalada dib loogu soo nooleynayo wadahadaladaas, maadaama intii xukuumadani jirtay aan talaabo ku saabsan wadahadaladaas horay loo qaadin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.