Lafta-gareen: Waa khasab in la isku soo doorto nidaamka 4.5

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo u waramay TV-ga Somali Cable ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka ee lagu wado inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/2021.

Lafta-gareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay uusan dooneyn in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas bedelkeedna uu doonayo in dib loogu noqdo nidaamkii 4.5-ka.

Waxa uu sheegay inaysan suurta gal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ilaa inta laga sameynayo tira koob guud, sidoo kalena laga xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ku taliyey in maamul goboleed walba deegaanadiisa lagu soo doorto xubnaha ku matalaya dowladda dhexe, iyadoo loo marayo nidaamkii hore ee afar dhibic shan, kaas oo lagu soo dhisay dowladan.

Mar wax laga weydiiyey inuu jeclaan lahaa waqti kororsi ayaa waxa uu sheegay inuusan aqbaleyn mudo kororsi cid ogolna aysan jirin.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.