Kooxda Liverpool oo markii ugu horeesay ku guuleesatay Koobka Kooxaha Dunida.

0

Kooxda Liverpool ayaa xalay markii ugu horeesay ku guuleesatay Koobka Kooxaha Dunida kadib markii ay ka adkaadeen kooxda Flamengo ee ka dhisan dalka Brazil.

Kulankan oo ka dhacay caasimada dalka Qatar ee Doha ayaa kooxda Liverpool waxaa guushan taariikhiga ah usuura galiyay ciyaariyankooda reer Brazil ee Roberto Firmino.

Ciyaarta oo kusoo idlaatay 1-0 ayaa Liverpool sidoo kale ka dhigtay in ay noqoto kooxdii labaad oo Ingiriis ah oo ku guuleesata koobkan.

Kooxda Manchester United ayaa horay ugu guuleesatay sanadkii 2008’dii.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.