In ka badan 30 dagaalame oo lagu dilay dalka Mali.

0

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ciidamadiisa hawlgal ay ka sameeyeen dalka Mali ay ku dileen 33 dagaalame.

Mr Macron ayaa arintani ku dhawaaqay xilli uu booqasho ku tagay dalka Ivory Coast, isagoona sheegay in ciidamadiisa ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha jihaadiyiinta.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaadyo uun kadib markii 13 askari oo Faransiis ah ay ku dhinteen gudaha dalka Mali.

Kumanaan askari oo Faransiis ah ayaa tan iyo sanadkii 2013’kii ka howlgalayay dalka Mali.

Ku dhawaad 4,500 oo askari ayaa ka hawlgala dalalka daris ah ee Mali, Mauritania, Niger, Burkina Faso iyo Chad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.