Wafdi ka socda Somaliland oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho, Sawirro

0

Somaliland ayaa saakay wafdi u soo dirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya, kaas oo goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa wada gar-gaar ay Somaliland ugu talagashay u gurmashada dadka ku nool magaalooyin ay ugu horeyso Beledweyne oo ay saameeyeen fatahaado iyo daadad ka dhashay roobkii dayrta ee dalka ka da’ay.

Deeqda ay waddaan wafdigaan ayaa waxaa soo aruuriyay qaar ka mid ah shacabka, culimada iyo xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale wafdigan ayaa waxaa xubin ka ah Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ahaa wafdi ay Somaliland u soo dirtay Muqdisho xilligii ay abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya.

Deeqda ay Somaliland u soo dhiibtay wafdigaan ayaa lagu sheegay inay gaareyso (600,000$) lix boqol oo kun oo dollarka Mareykanka ah.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah culumada ku nool magaalada Muqdisho ayaa wafdigaas ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

1
1
2
2
3
3
4
4

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.