Uganda oo Taliye cusub u magacawday Ciidankeeda Soomaaliya

0

Dowladda Uganda ayaa Jeneraal Richard Otto u soo magacawday inuu noqdo taliyaha cusub ciidamada ka jooga gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyaha ay soo magacaawday dowladda Uganda ayaa xilkas kul wareegay munaasabad ka dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxuuna xilkaas kala wareegay Jeneraal Michael Kabango.

Sarkaalkaan ay dowladda Uganda u soo magacaawday hoggaaminta howlgalka ay ciidamadeedu ka wadaan Soomaaliya ayaa 2013-kii soo noqday madaxa howlgallada xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana la sheegay inuu tababar ku soo qaatay dalka Ruushka,.

Gen. Otto oo ka hadlay xafladda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in halkeeda uu ka sii wadi doono shaqada, islamarkaana uu xoojin doono dagaalka Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.