Shirkii Kismaayo ee wasiirrada maaliyadda dalka oo war laga soo saaray

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka iyo maamul goleedyada xubnaha ka ah, kaas oo maanta uu magaaladaas ka daah furay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

War-saxaafadeed laga soo saaray shirkaas ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen sii xoojinta dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda ee dalka iyo  kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo wasiirrada maaliyadda ee maamu goboleedyada dalka ka jira ayaa iskugu tagay Kismaayo, si halkaas loogu qabto shirkaas oo ah kii ugu horeeyey ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ku dhex mara magaalada Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay.

War 2 1
War 2 1
War 9 696x928
War 9 696×928

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.