Muxuu salka ku hayaa socdaalka Cumar Cabdirashiid ee Garowe?

0

Senetor Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo laba jeer Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya haatana ah senetor ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamanka federaalka, ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Cumar Cabdirashiid oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay, in socdaalkiisu la xiriiro sidii mas’uuliyiinta iyo bulshada Puntland uu la tashiyo ugala sameyn lahaa sharciga doorashooyinka dalka ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya.

Socdaala Cumar Cabdirashiid ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin dhex-dhexaadinta madaxweyne Dani iyo siyaasiyiin iyo waxgaradka ka soo jeeda ee reer Puntland iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale, siyaasi Cumar Cabdirashiid ayaa doonaya in uu madaxweyne Dani iyo xukuumaddiisa ku qanciyo qorshe is-xulafaysi siyaasadeed ah oo ku wajahan doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020/2021, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.