Maxkamadda ICC oo baareysa ‘dembiyada dagaal’ oo ka dhacay Falastiin

0

Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC, Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in ay dooneyso inay billowdo baaritaanno lagu eegayo suurtagalnimda in dambiyo dagaal ay ka dheceen dhulka Falastiiniyiinta.

Fatou Bensouda ayaa sheegtay in “dambiyo dagaal” laga geysanayo amaba ay ka dhaceen dhulka ay Israa’iil xoogga ku haysato ee ku yaal daanta galbeed, bariga Quddus iyo marinka Qasa, waxa ayna codsatay in maxkamaddaasi ay go’aan ka soo saarto in sharci ahaan ay xaq u leedahay inay dacwaddaasi qaado iyo in kale.

Maxkamaddaasi ICC ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa eegeysay dacwad sanadkii 2015-kii ay soo gudbiyeen dad reer Falastiin ah.

Israa’iil ayaa tallaabadaasi maxkamadda ICC ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad lahayn”.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray ra’iisalwasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa waxa uu ku sheegay in maxkamaddaasi aysan wax dacwad ah ku soo oogi karin Israa’iil maadaama buu yiri Israa’iil aysan ka mid ahayn waddamadii saxiixay heshiiskii Rome ee lagu aasaasay maxkamaddaasi. Waxa kale oo uu sheegay in maxkamaddaasi ay dooneyso in ay meel uga dhacdo sharciyadda jiritaan Israa’iil.

Israa’iil ayaa dagaalkii bariga dhexe ee sanadkii 1967-kii ku qabsatay daanta galbeed, Qasa iyo bariga Quddus oo ah dhul ay leeyihiin dadka reer Falastiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.