M/weynihii hore ee Galmudug oo war ka soo saaray xiisad ka dhex abuurantay siyaasiyiinta qaar

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2021-ka ayaa ku baaqay in la dajiyo xiisadda ka dhalatay falceclinta hadalkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ka jeediyey magaalada Baydhabo, xilli ay ka socotay munaasabadda sanad guuradii koowaad ee xilheyntiisa.

Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ayaa ku baaqay in laga fogaado hadalada caadifadda leh oo dadka wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya.

Wuxuu sheegay inuu hubo in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koonfur Galbeed ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan xaq aheyn in dadka reer Koonfur Galbeed  lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kale, isagoo sheegay inay hubaal tahay in dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota qaraxyada iyo weerarada kale ee Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Cabdikariin Guuleed:

Waxaan ku arkayey baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyey madane Cabdicasiis Laftagareen madaxweynaha Koofur Galbeed, hadaladaas iyo falcelisyadaas oo aad moodo inay kicin karto caadifadda dadka, beerina karaan kala fogaashaha dadka walaalaha ah ee reer Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Haddaba waxaan ku baaqayaa in aan dhammaanteen ka fogaano hadalada caadifadda leh oo dadkana wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya.

Waxaa hubaal ah in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah, markii ay dhacdadii Gaalkacyo dhacdayna dhamaantood ay ka dhiidhiyeen kana gilgisheen, ayagoo intii ay karaanna ka samafalay kana garaabay falkaas xun oo ay geesteen dad wax ma garad ah.

Dhanka kale dadka reer Koofur Galbeedna xaq ma aha in lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo ay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto.

Haddaba waxaa haboon in dadka masuuliinta ah ay ka shaqeeyaan wax dadkeena isku soo dhaweynaya, xoojinayana wadajirkooda, iskaashigooda iyo midnimadooda intaba, haddii uu qof inaga mid ah uu war ka dhacana fasiraadda loo wanaajiyo.

Waxaan xiriiro la sameeyay masuuliintii kala duwaneyd ee ay arintani khuseysay, si xaaladda loo dajiyo, waana ku mahadsan yihiin sida ay arinka iila garteen.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo markii uu arkay in hadalkiisii si kale loo fahmay cadiifadna uu kiciyey, fasiraad iyo jawaab kale ka bixiyey, taas oo ah wax masuuliyadda iyo maqaamka uu jooggo ay fareyso.

Mahadsanidiin
Abdikareem Hussein Guled

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.