Dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u dirtay waxtar noocee ayuu u leeyahay?

0

Dalka Itoobiya ayaa taariikhda marki ugu horreysay maalinti shalay hawada sare u diray dayax gacmeed.

Dayax gacmeedkan ayaa la sheegay Itoobiya inuu ka caawinayo xogaha la xidhiidha beeraha, macdinta, ilaalinta deegaanka iyo isbeddelka cimilada iyo cilmi baadhista kale ee dhulka la xidhiidha.

Dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada sare u dirtay ee loogu magac daray Ethiopian Remote Sensing Satellite – 01 (ETRSS – 01) waxaa sameeyey dalka Shiinaha walow ay khubaro dalka Itoobiya ka soo jeedo ay door weyn ku lahaayeen.

Dayax gacmeedka oo la sheegay sameyntiisa iney ku baxday 6 malyan oo doolar uu Shiinaha ku deeqay Itoobiya iyo 10 malayn oo doolar oo ay Itoobiya ka heshay ila kala duwan iyo miisaaniyad kale oo ay dowladda Itoobiya u qoonseysay.

Hagidda, dabagalka iyo maamulidda dayax gacmeedkaaasina laga billaabo maalinti hawada sare loo diray waxaa gacanta ku haynaya khubaro u dhalatay dalka Itoobiya.

Miisaanka dayax gacmeedka ETRSS – 01 waxaa lagu sheegay inuu yahay 70 kiilo.

Dayax gacmeedkan maxaa loogu baahday?

Cilmi baadhista la xiriirta hawada sare ayaa ah mid caalamka oo dhan si xowli ah uga socda.

Iyada oo la adeegsanaya dayax gacmeed hawada sare loo dira waxay gacan ka geystaa in xogaha dhulka si buuxda daraasaad looga sameeyo xogta loo baahan yahayna looga soo ururriyo.

Waxayna khubarada dayax gacmeedka gacanta ku hayso sheegeen dalka Itoobiya inuu dayax gacmeedkan uu ka caawinayo maareynta isbaddelka cimilada, masiibooyinka dabiiciga inta aysan dhicin ka hor in la sii odorasa, iwm.

Inkasta oo waddamada soo koraya oo ay Itoobiya ka midka tahay baahida loo qabo daraasaadka hawada sare iney aad u yartahay la sheego haddana Dr Solomon wuxuu leeyahay “Cilmi baadhista hawada sare Itoobiya iyo waddamada la midka ah iney aad muhim ugu tahay oo ay ahayn wax faakiheysi ah oo aan loo baahneen”.

Dalka Itoobiya oo dhaqaalahiisa ugu badan uu ku tiirsan yahay beeraha wuxuu marweliba uu u baahan yahay inuu cimilada la socdo sida roobka iyo abaarta intaba si loo sii laba jibbaaro wax soo saarka beeraha intaba masiibooyinka dabiiciga inta ay dhicinna looga sii gaashaanto.

“Wuxuuna dayax gacmeedka noocan ah uu gacan ka geysanayaa in si fudud loo ogaado dhulka ku wanaagsan wax soosaarka beeraha iyo kan aan ku wanaagsaneyn, dhulka biyaha laga helo iyo in si fudud loo helo xog dhammeystiran oo ciidda ku saabsan” ayuu yiri Dr Solomon.

“Haddii loo baahdo in dadka ku nool dalka tirakoob lagu sameeyana halka la adeegsan lahaa hababki hore in dayax gacmeed la adeegsado ay aad uga wanaagsan tahay”.

Khubaraduna waxay xiriiriyaan dayax gacmeedka iyo ammaanka dalka inuu wax badan ka dhaxeeyo oo ay yihiin laba aan kala maarimin.

“Sida caadiga ahna waxaa dayax gacmeedka loo isticmaalaa dhaqdhaqaaqyada nabadeed oo looma adeegsado dagaallada iyo hubka in lagu hagi” ayuu yiri.

Itoobiya inta ay dayax gacmeedkan sameysan intey xogaha ka heli jirtay?

Itoobiya xogaha ay u baahan tahay ee la xiriira arimaha aan soo sheegnay waxay ka iibsan jirtay waddamada dayax gacmeedyadooda hawada sare u diray sawirrada iyo muuqaallada ay qaadaan.

Daraasad shan sana ka hor la sameeyeyna waxaa lagu ogaaday iney sanadki ku bixiso ku dhawaad 850,000 oo doolar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.