Axmed Madoobe oo daah-furay shir ay qeyb galeyso dowladda federaalka

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay gaaray magaaladaasi iyo wasiirada maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda ee guud ahaan dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa furitaankii shirka ka jeediyey khudbad la xiriirta maaliyadda dalka iyo muhiimada deyn cafinta.

Shirkaan ayaa noqonaya mid kii horreeyey oo noociisa lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo, tan markii dib loo doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.