Militeriga Soomaaliya oo ‘laayey Shabaab qorsheynayey weerar, oo ay ku jiraan amiirro

0

Dowladda federaalka ayaa war ka soo saartay howlgal ay ciidamada xoogga dalku ka fuliyeen deegaanada Baarsanguuni iyo Kaban oo hoos taga dagmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.

Howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda in lagu dilay 15 nin oo iskugu hiray amiirro iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab, halka dhaawacana lagu sheegay sided kale.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu yimid kadib markii taliska guutada 11-aad qeybta 43-aad Militeriga Soomaaliya ay ka war heleen weerarro uga soo wajahnaa Al-Shabaab, kadibna sidaas ay ku weerareen goobo ay isku urursanayeen.

Weerarka ay qorsheeyanayeen Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ku wajahnaa saldhig ay ciidamada xooggu ku leeyihiin degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay warka caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

Howl
Howl

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.