Wasiir Khadiija Diiriye oo shaacisay xilliga la furayo Stadium Muqdisho iyo cayaaro ka dhici doona

0

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta kor meer ku tagtay garoonka kubbada cagta ee Stadium Muqdisho oo ay gaba-gabo u mareyso dayac tir lagu waday bilihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabada Saynab Maxamuud Warsame ayaa warbixin ka siisay Wasiirka dhallinyarada iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay heerka uu marayo dhismaha garoonka.

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan lasoo gaba-gabayn doono dhismaha garoonka cayaaraha ee stadium Muqdisho, waxaana ay sheegtay in dhallinyaro ka timid dalka dibadiisa ay la ciyaari doonaan xiddigaha degmada Dharkeynlay oo dhawaan ku guulaystay koobka degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegtay bisha Janaayo ee sanadka cusub si rasmi ah xariga looga jari doono hooyga cayaaraha ee Stadium Muqdisho, isla markaana lagu qaban doono tartamo Sport oo heerar kala duwan leh.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.