Taliyaha Xabsiga Dhexe oo faah-faahiyey siduu u dhintay ninkii uu kala soo baxay isbitaalka

0

Iyadoo baraha bulshadu ay ku xariirto iyo warbaahintaba saacadihii lasoo dhaafay lagu baahinayey muqaal kooban iyo war ku saabsan in taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kadibna dhintay,  ayaa waxaa markii ugu horeysay arinkaas beeniyey Taliyihii, isagoo faah-faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa sheegay in ruuxaas oo ku xukunaa 8-sano si qaldan looga saaray istaal ku yaalla xabsiga dhexe, isla markaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Taliyaha ayaa markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa waxa uu sheegay inuu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday.

“Waxa la faafinaayo waa waxaan looga xishoonayn qaranimada, dadnimada iyo damiirka, ninkaas dhintay waxaa markii hore isbitaalka lagu geeyey si qalad ah, waxaa lagala baxsaday xabsiga, iyadoo nin dhakhtara oo ciidanka Asluubta ah la adeegsanaayo, kadibna markaan ogaaday waan ka daba tagay, iyadoo ciidanka gacantiisa laga baxshay oo aan u fahmay in lala baxsa rabay, waayo reerka ninkaas in badan ayey horay iskugu dayeen inay la baxsadaan waxuuna ahaa nin loo heysto burcadnimo, waxayna horay maxkamadaha uga raadiyeen oo ka waayeen sidii ay ula bixi lahaayeen ninkaas” ayuu yiri Taliyaha xabsiga dhexe oo isagu ka soo muuqday warbaahinta bulshada isagoo isbitaalka xoog uga soo saaraya nin xanuunsan kadibna xanuunkaas u dhintay.

Taliyuhu waxa uu sheegay in markii uu uga daba tagay isbitaalka la geeyey ee uu weydiiyey ehelkiisa sababta looga soo saaray isbitaalkii uu ku ogaa ee dowladdu maamuleysay uu ka waayey jawaab uu ku qanco, taasina ay ku kaliftay inuu ku soo celiyo isbitaalka ay dowladdu maamusho ee Martiini, halkaas oo uu sheegay in maalinkii hore uu soo hagaagey caafimaadkiisu, balse xanuun ku soo booday maalinkii labaad uu ku geeriyooday.

Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayuu sheegay Taliyuhu inuu qabay xanuunka macaanka ama sonkorta oo kaliya, isla markaana uu hayo cadeynta warqadihii caafimaadka oo ay ku qoranyihiin xilliga uu geeyey isbitaalka Martiini oo ah isbtitaalka sharciga ah ee lagu daweeyo maxaabiista ku xanuunsata xabsiga dhexe.

Eheladda marxuumka dhintay ayaa iyaguna madaxda ugu sareysa dowladda ka dalbaday inuu cadaalad helo Xasan Kurtun Calasow oo ay sheegeen inuu u dhintay daryeel la’aan caafimaad oo uu sabab u ahaa taliya xabsiga dhexe sida ay hadalka u dhigeen.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.