Nin walaalkiis ku dilay Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug xalay wiil ayaa ku dilay walaalkiis kadib  markii uu soo kala dhex galay muran xaga reerka ah, sida aan xogta ku helnay.

Dilkaas oo ka dhacay xaafadda Waaberi ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goobta ka baxsaday ruuxii dilka u geystay walaalkiis.

Eheladda wiilasha isla dhashay ee mid la dilay ayaa noo sheegay in labadooda uu soo kala dhex galay muran ku koobnaa xaafadda oo kaliya, taas oo sababtay in kii weynaa labadooda uu dilo walaalkiis.

Waxii ka danbeeyey markii uu dhacay dilkaas oo aheyd saqdii dhexe ee xalay ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ayaa waday baaritaano ay ku baadi goobayaan ninka dilka geystay.

Saraakiisha booliska ee magaalada Dhuusamareeb oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inaysan wali ku guulaysan soo qabashada ruuxaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.