Akhriso: War-murtiyeedka laga soo saaray shirkii Aragti Wadaagga Soomaalida
Shirkii Aragti Wadaagga Soomaalida ee ka socday Dalka Jabuuti oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay caasimadda Djibouti ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.
Shirka oo socday Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diirrada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin;
- Doorka Soomaalidu ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika
- Qadiyadda Somaliland
- Horumarinta Ganacsiga iyo Waxbarashada
- Doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.
War-murtiyeedkii oo kooban:
- Madashu waxay dhiirigalinaysaa dardargalinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
- Madashu waxay ku baaqday in dib loo soo celiyo wada-hadlaladii Somaliland oo doorkoodu ahaa isqancinta.
- Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee sannadkan ka taagan Soomaaliya.
- Madashu waxay ku baaqday in doorashada Soomaaliya wakhtigeeda lagu qabto
- Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasaddeed ee ka taagan Somaliland gaar ahaan arrimaha dooorashooyinka.
- Madashu waxay Somaliland ugu baaqday in ay sii waddo wada-hadalkii kala dhaxeeyay Soomaaliya si xal looga gaadho arrinta Somaliland.
- Madashu waxay soo dhaweysay ballanqaadkii madaxweyne Cagjar ee ahaa in la xoojiyo Soomaalinimada.
- Kenya: Madashu waxay bogaadinaysaa doorka ay siyaasadda iyo ganacsiga ay ku leeyihiin Soomaalida Kenya.
- Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka Soomaalida Kenya in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha isgaadhsiinta.
- Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardayda soomaaliyeed iyo tayo xumaanta waxbarashada.
- Madashu waxay soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan”
- Madashu waxay ugu baaqeysaa qof kasta oo soomaali ah in uu kaalin ka qaato horumarinta caafimaadka waxbarashada iyo caafimaadka.
- Madashu waxay madaxweynaha Jabuuti u aqoonsatay xuddunta Soomaalida.
- Shirka waxaa soo xidhay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu aqbalay war-murtiyeedka.
Jowhar