Taliye xigeenka xoogga dalka oo la dar-daarmay Macawiisley

0

Taliye ku xigeenka ciidanka Milliteriga Soomaaliya S/guuto Maxamed Cali Bariise ayaa booqday fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanka Xaaji-Cali oo hoos taga degmada Cadalle gobolka Shabellada Dhexe.

Wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA ayaa qortay in Taliye xigeenku uu maanta mid mid u kormeeray fariisimaha ciidanka Militerigu ay ku leeyihiin degaanka Xaaji-Cali ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Taliyaha ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka deeganka iyo Jabhadda hubeysan ee Macawiisley oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadda gobolka Shabeellada Dhexe iyo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Maxamed Cali Bariise ayaa saraakiisha Jabhadda Macawiisley kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan ururka Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan deegaanada Hir-Shabeelle.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.