Maxay ka wada hadleen James Swan iyo Axmed Madoobe?

0

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulankaas ayaa looga hadlay arimaha maamulka madaxweyne Axmed Madoobe, khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo sidii laga yeeli lahaa doorashadii uu dib ugu soo laabtay Axmed Madoobe ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Sidoo kale James Swan ayaa lagu wadaa in isla maanta uu garoonka magaalada Kismaayo kula kulmo Xildhibaan Cabdrashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo iyagu mid walba uu sheeganayo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Xidig iyo Seeraar ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, waxayna halkaas ku sugayaan James Swan oo ay kala hadli doonaan xaaladda maamulka Jubbaland iyo khilaafka wajiyada badan ee hareeyey dhinacyada maamulkaas isku haya iyo dowladda federaalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.