Go’aano ka soo baxay guddiga dhex-dhexaadinta Somaliland

0

Guddi dhex-dhexaadinayay xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa go’aamiyay in gebi ahaanba la kala diro guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo muran xoog leh ka dhex abuuray xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xisbiyada kale ee mucaaradka ah.

Guddiga ayaa sheegay in habka keliya ee lagu xallin karo muranka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaaradka ah ay tahay in la kala diro dhamaan xubnaha guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland, isla markaana dib loo soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, oo dhankooda bayaan midaysan soo saaray, ayaa waxa ay sheegeen inay aqbaleen go’aanka guddiga dhex-dhexaadinta ee ah in la kala diro dhamaan guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo sida la’aamin sanyahay uu ka soo bilaawday muranka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.