Puntland: Weerarkii Gaalkacyo ma aheyn mid argagixiso

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee maamul goboleedka Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga Booliska waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Axmed Muuse ayaa sheegay in weerarkaasi uu dhaawac fudud uu ka soo gaaray hal qof, isla markaana uusan jirin khasaare kale oo uu geystay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarka uusan aheyn mid argagixiso, isla markaana ay ka dambeeyeen dad doonayey inay qal-qal galiyaan amniga, sida uu hadalka u dhigay.

“Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland,

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay socdaan baaritaano, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono raggii ka dambeeyey falkii xalay dhacay.

Dableydii weerarka geysatay oo aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday.

Muddooyinkii la soo dhaafay xaaladda Gaalkacyo ee koonfur iyo waqooyi ayaa aheyd mid degan, waxaana baaritaano ka waday ciidamada isku dhafka ee ka howlgala magaalada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.