Madixii baxnaaninta bukaanada Al-Shabaab oo la xukumay

0

Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa ka kireynta guryaha magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu daryeel caafimaad uga fidin jiray xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa Axmed ka soo qabtay mid ka mid ah xarumaha Caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan  Al-shabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ugu horeynba  Maxkamadda ayaa u jeedisay Eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo in uu u qaabilsanaa Al-shabaab xanaaneyta bukaannadooda, kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kireyn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magaciisa, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo lagu sheegay 60-sano.

Sidoo kale Xeer Ilaaliye Muumin Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.