Madaxii sirdoonka maamulkii Cabdi Iley oo lagu qabtay Hargeysa

0

Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wareejiyey madaxii sirdoonka ee maamulkii hore, Cabdi Maxamud Cumar (Iley), kaas oo in muddo ah baxsad ka ahaa ismaamulkaasi.

Ninkaan oo lagu magacaabo, Mukhtaar Sheekh Suubane ayaa wuxuu ku jiray liiska xubnaha la raadinayey ee dambiyada culus geystay.

Wararka ayaa sheegaya in ay soo qabteen ciidamada Somaliland, xilli uu ku dhuumaaleysanayey gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta xukuumadda Somaliland.

Mukhtar Sheekh Suubane ayaa loo heystaa inuu geystay dambiyo isugu jira dil, kufsi, jir-dil maxaabiis, xilligii uu ahaa madaxii sirdoonka ee maamulkii hore ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Inta badan waxa ay Itoobiya xabsiga dhigtay madaxdii hore ee dowlad deegaanka oo uu ugu horreeyo, Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Iley) oo dhowr mar maxkamad la soo taagay.

Sidoo kale waxaa lagu raad joogay xubno kale oo baxsad ah, kuwaas warqad soo qabasho u jireen maxkamadaha dalka Itoobiya.

Tan iyo markii talada la wareegay, Abiy Axmed ayaa waxa ay isbedallo ka dhaceen guud ahaan dalka Itoobiya, waxaana taasi ay sababtay in meesha uu ka baxo maamulkii Cabdi Iley oo hay’adaha xuquuqda aadanuhu ay ku eedeyeen inuu geystay tacadiyo xoog leh oo sababay in la xiro sanadkii 2018-kii, kadib markii uu is casilay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.