Khasaare ka dhashay rabshado ka dhacay caasimada dalka Lubnaan

0

Isku dhac caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut, ku dhax maray booliska rabshadaha ka hortaga iyo dibad baxyaal careesan ayaa sababay in ay ku dhaawacmaan tobonaan ruux.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii dibad baxayasha qaar ay isku dayeen in ay isku gadaamaan meel u dhaw xarunta Baarlamaanka dalkaasi.

Booliska ayaa gaaska dadka ilmeesiiya u adeegsanayay dibad baxyaasha halka dhankoodana ay ku tuurayeen dhagaxaan.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa laxaqiijiyay in ay rabshadaha ku dhaawacmeen.

Dibad baxyada oo bilawday bishii October ayaa dadku waxa ay kaga cabanayaan dhaqaalo xumo liidata oo dalkaasi ka jirta iyo musuq maasuq baahsan oo lagu eedeenayo madaxda sare ee dalkaasi Lubnaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.