Dani oo qaadacay sharciga doorashooyinka Qaranka

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga doorashooyinka ee dowladda dhexe, kaas oo haatan hor yaalla Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla baarlamaanka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin nidaam kasta oo la dejiyo haddii aan loo ogolaan inay talo ku yeelato.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay , in loo baahanyahay hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda Sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.

Dani, ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono nidaamkii qabaliga 4.5-ka, ayuu sheegay inay tahay in wada-tashi la isugu yimaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.