Maxaa looga hadlay kulankii Addis Ababa ku dhex maray Dani iyo Axmed Shide?

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan maamulka Puntland, sida lagu sheegay war ka soo baxay.

Madaxweynaha Dani ayaa sheegay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan maamulka uu hoggamiyo ee Puntland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana uu tilmaamay inay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag oo dhex mara labada dal.

Madaxweyne Dani oo muddo 20 berri ah safar ugu maqnaa dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Sabti ah dalka dib ugu soo laabto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.